Deni oo dalab culus u diray baarlamaanka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo qoraal soo saaray ayaa dalab culus diray Golaha Wakiilada, taas oo la xiriirta dhimsha xukuumadda.

Saciid Deni ayaa ka codsaday Baarlamaanka inay muddo 45 cisho ah ugu daraan wakhtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in madaxweynuhu dalabkaas gaarsiiyay guddoonka Golaha, si loo siiyo waqti dheeraad ah.

Sababta waxaa lagu sheegay inuu Deni weli ku mashquulsan yahay dhismaha xukuumadda cusun, isla-markaana uu wado watashiyo guud ee ku aadan golaha wasiirada.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu qorsheynayo inuu u baxo safar dibadeed, taas oo kamid ah waxyaabaha keenay dib u dhaca dhismaha xukuumadda.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay Baarlamaanka oo ku aadan dalabka uu u gudbiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo Khamiistii Garoowe lagu caleema saaray madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kadib munaasabad ka dhacday magaaladaasi.

Puntland ayaa waxaa dhowaan ka dhacday doorasho mar kale dib loogu doortay Saciid Deni, taas oo xaaladdii adkayd ka saartay maamulkaasi.