Saciid Deni oo dib ugu soo laabtay Puntland xili xiisad xoogan ka taagan tahay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii dambe safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada maamulka ee Garoowe.

Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir Airport ee Garoowe Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash, Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa 4-tii bishaan u ambabaxay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabka, isaga oo markii dambe usii duulay dalka Itoobiya, ilaa haddana xog badan lagama helin safarada dibedda ee Deni.

Deni ayaa intii uu joogay dalka Itoobiya la kulmay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ka wada-hadlay iskaashiga labo dhinac geesoodka ah, kaasi oo diiradda lagu saaraya arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo isu-socodka dadka.

Imaanshaha Saciid Deni ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Boosaaso ay ka dhacday dagaal u dhaxeeyay Ciidanka PSF-ta iyo kuwa PMPF-ta, kadib markii garoonka laga celshay diyaaradda siday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ayadu wadday gargaar loogu talo-galay dadka ay saameysay abaartu.

Waxaa weli ka taagan gudaha Puntland xiisad ka dhalatay is-hortaaga lagu sameeyay Xildhibaanad Sacdiya, ayada oo siyaasiyiin badan ay ku dhaleeceyen Sacdiya hanaankii ay uga dhooftay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Beesha ay kasoo jeedo Sacdiya ay ku eedeyeen madaxweyne Deni in uu ka dambeeyay qorshe dil oo ka dhan ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, maadama ay diyaaradu ku shidaal beeshay garoonka dushiisa.

Si kastaba, Xiisada ka dhalatay arrintaan ayaa galaafatay labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda Deni, kuwaasi oo madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu shaqo joojin ku sameeyay.