Gaas oo sheegay arrin laga doonayo inay sameyso xildhibaan Sacdiya Yaasiin kadib dagaalkii Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo markale ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in mas’uuliyadeeda leedahay Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Salaad Samatar.

Gaas ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Sacdiyo ay baalmartay nidaamkii dowliga ahaa ee dalku lahaa, islamarkaana aysan ku wargelin socdaalkeeda madaxda sare ee Puntland oo aheyd ka hor intayna ka duulin Muqdisho ay la socodsiiso safarkeeda.

“Meesha dhib baa ka dhacday aad u weyn, dhowr iyo laabatan wiil oo ciidankii Puntland ayaa ku dhintay. Waaa nasiib darro aan ka xumahay hadda ka horna waa ka hadlay, waxay aheyd arrin laga baaqsan karayay,” ayuu yiri Gaas oo la hadlay idaacada VOA-da

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii ay imaaneyso waxay aheyd inay dowladda Puntland soo ogeysiiso oo meeqaamkeeda lagu soo dhaweeyo, mucaawinada ay wadana ku wareejiso hay’addii ku shaqada laheyd waa haddii ay Puntland u siday.”

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Xildhibaanad Sacdiya inay garowshiyo ka bixiso wixii dhacay, maadama ay darteed u dhaceen ayna hareer martay hanaankii dowliga ahaa, sida uu sheegay.

“Haddii ay ayadu la socon oo diyaarada la iska soo diro wax dhib leh ma aha, laakiin iyada ayaa socotay oo imaatinkeedana culeys ayuu leeyahay oo qof iska socda ma aha, arrintaas waa ku qaldantay nasiib darro.”

Shaqaaqada ka dhalatay socdaalkii Sacdiya ayaa waxaa ku dhimatay inta la xaqiijiyay illaa 20 qof, taasi oo u dhaxeysay ciidamadii ilaalada ka aha garoonka Boosaaso iyo ciidamada PSF, oo ayagu rabay inay diyaarada ka dejiyaan mucaawinada iyo masuuliyiinta saaran.

Sacdiya ayaa mar ay la hadashay idaacada VOA ku dooday in ka hor intii aanay diyaaradu ka duulin Muqdisho ay la socod-siisay socdaalkeeda iyo mucaawimada ay waday Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Shaahdoon.

Hase yeeshe Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya, oo ayada lagu eedeynayo inay ku fududaatay socdaalkaasi.