3 qodob oo ku cusub xogta Xasan Sheekh uu ka bixiyey askarta ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaar ka mida waalidiinta askarta ku maqan dalka Eritrea siiyey warbixin ku saabsan ciidamadaasi oo uu kormeer ugu tegay, una kuurgalay xaaladooda.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhex maray madaxweyne Soomaaliyeed iyo guddi ka socda waalidiinta askarta muddo 3 sano ah ayuu Xasan Sheekh raaligelin ka siiyey waalidiinta dhibaatooyinkii lagula kacay iyo xog la’aanta halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda.

Inta la baahiyey warbixinta madaxweynaha siiyey waalidiinta askarta waxaa ku jiray xog cusub oo ku sabsan ciidamadaasi iyo xaaladdooda oo aan horey loo ogeyn, waxaana ka mid ah:

1 – Inay yihiin ciidamo Soomaaliyeed oo niyadoodu sareyso, diyaarna u ah inay difaaca dalka ka qeyb qaataan, ayna dowladu u adeegsan doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

2- Inay dhibato ka taagneyd sidii ay ula xiriiri lahaayen waalidkood, xaaladooda askarnimo iyo xaaladda dalka Eritrea darteed.

3- Inuu Madaxweyne Xasan Sheekh bixiyey lacag loogu talogalay inay askartaasi ay u adeegsadaan telefoonada iyo la xiriirka qoysaskooda, hadda kadibna ay awoodi doonaan inay lasoo xiriiraan.

Dhinac kale waxaa warbixinta Xasan Sheekh ka muuqatay in dib u soo celinta ciidamadaasi aysan degdeg ahayn oo waqti iyo kharash u baahan tahay ama ay jiraan arrimo kale oo xalin u baahan, iyadoo aan waqti loo qaban soo laabashadooda. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu kulanka socday celin waayey dareenkiisa, ayada oo la arki karay inuu ilmada ceshan waayey.

“Waalidaan ahay, Aabaan ahay carruur leh, awoowaan ahay waan garan karaa macnaha ay ku fadhiyaan iyo xanuunka ay leeyihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waalidiinta ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea ee la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Isha: Goobjooge