DENI oo diiday dalab ay hordhigtay DF Soomaaliya

Garoowe  (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan xasaasi oo u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo wasiiro uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Shirka oo natiijo la’aan ku soo dhamaaday ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka Puntland kala dhexeeya dowladda iyo arrimo ku aadan caleema saarka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Deni ayaa ogolaaday in wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si loo dhameeyo khilaafka labada dhinac.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirada ka socday xukuumadda Xasan Cali Khayre ay Deni ka dalbadeen inuusan ka qeyb galin xafladda Caleema Saarka ee Madaxweynne Axmed Madoobe, taasina uu ka biyo diiday.

Wasiirada la kulmay Madaxweynaha Puntland, oo kala ah wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka kalluumeysiga, Cabdullaahi Bidhaan, wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan ayaa ku guuldareystay qorshaha ay u socdeen, waxaana la filayaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Arrintan ayaa sare u sii qaadeysa xiisada haatan u dhexeysa dowladda federaalka Puntland, mana muuqato wax isku soo dhawaansho oo labada dhinac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com