Hanti-dhowrka Qaranka: 18 milyan oo dollar ayaa ka maqan qasnadda dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti-dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, waxaana ay shaaca ka qaaday lacag ka badan 18 milyan oo dollar ah oo meel lagu sheego ama aan loo raaco lahayn.

Hanti-dhawraha Guud ayaa warbixintiisa ku caddeeyay natiijooyinka baarista ugu muhiimsan, taasoo muujineysa inaan loo hogaansamin sharciga marka loo eego dakhli la arruuriyay oo la isticmaalay iyadoo aan la waafajin sharciga, dabacsanaan hubinta gudaha (internal controls weakness), qaar ka mid ah koontooyinka Dowladda Fedralka oo aan qeyb ka ahayn warbixinta maaliyadda, maqnaashaha in hay’ad walba ee Dowladda Federalka ka mid ah diyaariso xisaab xirkeeda sannadlaha, una soo gudbiso hay’adaha ku shaqada leh.

Lacagaha aan meel loo raaci lahayn ee warbixinta ay shaaca ka qaadday hoos ka aqriso.

US $ 1,350,400 Dakhli la aruuriyay oo la isticmaalay iyada oo aan laga warbixin

B – Muunada baarista (Audit Sample) aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaaraya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay.

Dakhli dhan US $1,350,400 ayaan lagu soo darin warbixinta maaliyadeed, sidoo kalena baarista kuma helin isla xisaabtan dhammaystiran oo laga sameeyay dakhligan. Sidaa darteed, warbixinta maaliyadeed ayaa waxaa laga dhimay (understated) oo aan ka muuqan dakhliga iyo kharashka kor ku xusan. 

T – Kaalmada dibadda ee ka timid Midowga Yurub

Kaalmada dibadda ee laga helay Midowga Yurub ayaa waxaan ka muuqan US $3.738 milyan, farqigaas oo ah cadadka u dhexeeya muuqaalka isbarbardhiga kutalagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah oo ay bixiyeen Midowga Yurub kuna kabeen miisaaniyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018. 

Midowga Yurub wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Maaliyadda lacag dhan US $17,004,816 halka warbixinta maaliyadeed ee sannadkaas oo la soo bandhigay ay muujinayaan kaliya US $13,266,667 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Sidaas darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta (cash & cash equivalent) iyo kororka miisaaniyadda ee dhammaadka sannadka ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 3.738 milyan marka laga hadlayo kaalmada dibadda ee ka timid Midowga Yurub. 

J –  Kaalmada dibadda ee ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Kaalmo lacag ah oo ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo haraageeda billowgi sannadka 2018 ahaa US $ 20,000,000 (million) ayaa iyadana $ 6,070,868 ka mid ah lagu soo bandhigay warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha, taasoo ahayd intii lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda, halka inta kale ee US $ 13,929,132 oo taaley xisaab-socoto ka furan bangi dibadda aan lagu xusin warbixinnada maaliyadeed ee sannadlaha. 

Sidaas darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta (cash & cash equivalent) iyo kororka miisaaniyadda ee dhammaadka sannadka ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 13,929,132 milyan marka laga hadlayo kaalmada dibadda ee ka timid Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

X –  Kaalmada Dibadda ee ka timid UNOPS

Kaalmada dibadda ee UNOPS ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaan ka muuqan US $719,451 taas oo ah farqiga ka muuqda muuqaalka is barbardhiga ku talagalka miisaaniyadda iyo lacagta dhabta ah ee UNOPS ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda intii lagu guda jiray sannadka 2018.

UNPOS waxay Wasaaradda Maaliyadda ku wareejisay lacag dhan US $1,254,743, halka xisaabaadka sannadka kaliya ay muujinayaan US $535,292 isla sannadkaasna lagu soo shubay Khasnada Dhexe ee Dowladda. Sidaa darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta (cash & cash equivalent) iyo kororka miisaaniyadda ee dhammaadka sannadka ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 719,451 malyan marka laga hadlayo kaalmada dibadda ee ka timid UNOPS.

KH – Soo koobida jahwareesan ee kaalmada dibadda

Falanqaynta kor ku xusan, kaalmada dibadda ee sannadka waxaa la dhimay (understated) US 18,386,732, maxaa yeelay dhammaan kaalmadda dibadda ee la siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan lagu soo wada wareejin Khasnada Dhexe ee Dowladda si uu uga warbixiyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Sidaa darteed, lacagta cadaanka ah iyo mida cadaanka u dhiganta iyo miisaaniyadda dheeriga ee dhammaadka sannadka 31 December 2018 ayaa waxaa laga dhimay (understated) US $ 18,386,732. Faahfaahinta waxaa lagu sharaxay jadwalka hoose: –

D – Kaalmada Dibadda ee ka timid Bangiga Adduunka (World Bank)

Dhammaan kaalmada laga helay Bangiga Adduunka (World Bank) sannadka 2018 ee lagu maalgaliyo mashaariicda kala duwan ayaan waafaqsanayn xisaabadka Bangiga Adduunka ay noo soo direen. Sida ku cad macluumaad aan ka helnay Bangiga Adduunka ayaa ku xusan in Wasaarada Maaliyadda lagu wareejiyey wadar lacageed horey loo ansixiyay taas oo gaaraysa US $41,225,875 intii lagu jiray sannadka 2018, halka warbixinta maaliyadeed ay muujinayso in la helay lacag dhan US $49,007,950. Sidaa awgeed, waxaa jirta is waafaqsanaan la’aan dhanka kaalmada la helay iyo kharashka oo aan si sax ah loo soo bandhigin.

Warbixintan hanti-dhowrka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday lacag dhan US $20 Million oo laga helay Dowladda Turkiga ay Dowladda Soomaaliya gacanta ku guddoontay iyadoo cadaan ah (cash) ka dibna bangiga lagu shubay.

Khatarta Ma jiro qaab baariseed madax bannaan oo lagu xaqiijin karo lacagaha kaalmada ah ee laga helay Dalka Turkiga. Waxaa jira khatar in lacagaha kaalmada laga helay Turkiga aan si waqtiyaysan loogu xarayn Khasnada Dhexe ee Dowladda. Saraakiisha ku lugta leh kala gudbinta lacagahan cadaanka ah ee badan, waxaa dhici kara khatar in ay ku lug yeeshaan lacag dhaqid (money laundering).

Caasimada Online waxay idin soo gudbineysa taxane ku saabsan, xafiiska madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, baarlamanka iyo wasaarad iyo hay’ada kasta iyo lacagaha ku maqan, Insha Allah.

Halkan ka aqriso warbixinta hanti-dhowrka guud oo dhameystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com