DENI ‘oo Ethiopia ka diiday’ qorshe la xiriira FARMAAJO kadib cadaadiska Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdillaahi Deni ayaa lasoo warinayaa inuu dhawaan diiday qorshe uu soo bandhigay ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, xili uu dhawaan socdaal ku tagay caasimada dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa madaxweynaha Puntland ka dalbaday inuu taageero, isla markaana qeyb weyn ka noqdo ololaha dib loogu dooranayo madaxweyne Farmaajo, oo si weyn isku hayaan siyaasiyiin ay hore xulafo dhow u ahaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo toddobaadkii hore safar ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulankaasi la qaatay Abiy Ahmed, kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii u dambeeyay ee laga gaaray, iyo weliba taageerada uu ku gacan seyray.

Rashiid Cabdi oo degan dalka Kenya, isla markaana ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa diidmada Deni ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa twitter-ka, kaasi oo uu ku xusay in ‘Madaxweyne Deni uu ka diiday Abiye Axmed soo jeedinta taageerada Farmaajo’.

Rashiid ayaa waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Imaaraadka oo ka yaaban culeyska Abiy ay diyaarad gaar ah u soo dirtay, maadama ay si weyn isku hayaan madaxweyne Farmaajo.

“Imaaraadka Carabtu waxay si aad ah ula yaabeen culeyska Puntland lagu saaray inay taageerto dib u doorashada Farmaajo. Raysalwasaare Abiye Axmed wuxuu toddobaadkii hore Addis Ababa ugu yeedhay Deni, isagoo si cad ugu sheegay ‘Waxaanu kaa doonaynaa inaad taageerto Farmaajo.’ Deni wuu diiday, diyaarad khaas ah oo uga timid UAE ayaa u qaaday Abu Dhabi” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Abiy Ahmed ayaa xiriir dhow oo saaxiibtinimo la leh Farmaajo, waana sababta u weyn ee la fahamsan-yahay inuu u rabo dib usoo laabashadiisa, xili uu wajahayo loolan adag oo uga imaanaya siyaasiyiin caanka ah iyo kuwo ay hore xulafo u ahaayeen oo is khilaafeen.