Deni oo fariin u diray Ilhaan Cumar, kadib guusheeda

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa fariin hambalyo ah u diray xildhibaan Ilhaan Cumar oo uu markale xisbigeeda u doortay inay u tartanto kursiga Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madxaweyne Deni ayaa waxaa sidoo kale loogu hambalyeeyey Omar Fatah iyo Jamaal Osman oo ka mid ah Soomaalida guulaha ka gaaray doorashada horudhaca ah ee Mareykanka.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa boggaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood ah reer Puntland ah,isaga oo u rajeeyey guul waarta inay ka gaaraan doorashooyinka dambe ee Mareykanka.

Deni ayaa sidoo kale ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan, si ay uga gun gaaraan yoolkooda..

Ilhaan Cumar oo markale gaartay guul aad u weyn ayaa loo xushay inay xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro doorashada November.

Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osman uu isna hoggaaminayo codadka doorashada degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.