Cabdullaahi Axmed Cadow oo Farmaajo u diray farriin la xiriirta R/Wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Axmed Cadow oo ah diblomaasi iyo siyaasi hore oo rugcaddaa ah ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ee xilligan adag lagu jiro, kadib wareysi uu siiyey, TV-ga Shabelle.

Cadow ayaa marka hore xoojiyey in la adkeeyo nabadda iyo deganaasha dalka, si looga baaqsado in markale uu dalku kalo fowdo iyo dagaal sokeeye.

Sidoo kale wuxuu wareysigaan ku soo hadal qaaday xaaladda uu haatan ku jiro wadanka, sida doorashada 2020/2021, magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub iyo arrimo kale.

Cabdullaahi Axmed Cadow ayaa shaaciyey inay muhiim tahay in heshiis rasmi ah ay gaaraan dowladda iyo mucaaradka, iyada oo la’eegayao danaha guud ee Qaranka.

Waxa kale oo uu carabka ku goday in xilligan laga haboon yahay  magacaabida ra’iisul wasaare, isaga oo ku taliyey in Mahadi Guuleed oo ah ku sime iyo golaha wasiirada loo daayo maamulka, inta laga gaarayo doorasho heshiis lagu yahay.

“Prime-minister wuu joogaa waa Caretaker weeye, (ku sime) baarlamaankii wuu joggaa inta Caretaker-ku jiro maamulku wuu soconayaa nabaddii waa jirtaa, ha la gaaro in la heshiiyo iyo habkii ay doorashada u dhici laheyd.” ayuu yiri Cadow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Aniga maamul waa ku soo jiray wax dhibaato ah ma’arko nin Prime-minister ah oo KMG ah ayaa la magacaabay oo ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen, golaha wasiirada Khamiistii dhoweyd wey fariisteen, tii ka horreysay waa fariisteen wax dhibaato ah ma jiraan marka.”

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha Soomaaliya kula taliyey, haddii uu ra’iisul wasaare cusub magacaacabayo inuu sameeyo la tashiyo fara badan, balse isagu wuxuu soo jeediyey in ku simaha loo daayo inta laga gaarayo doorashada soo socota ee 2020/2021.

“Anigu waxaa qabaa inuu madaxweynuhu sameeyo la tashi fara badan asaa laga rabaa Dastuuriyan magacaabida isagaa ayaa iska leh Prime-minister-ka asay u taallaa haddii uu kan sii heysanayana ay wanaagsan tahay inta laga aadayo doorasho” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka  uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhalatay arrimaha doorashada oo ay isku hayaan madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka oo dhinac ah, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona markale 15-ka bishan lagu ballansan yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug si looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka ee 20/21.