QOOR QOOR oo la kulmay guddiga farsamo oo ay ka maqan yihiin laba maamul

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qaar kamid ah Guddiga farsamda ee doorashooyinka oo ka talo-bixinaya doorashada ka dhaceysa dalka.

Qoor Qoor iyo xubnaha guddigaasi ayaa diirada saaray arrimaha doorashooyinka oo xiligan xiisad xasaasi ah ka dhaliyay dalka, maadama ay si weyn saamileyda siyaasaddu ugu kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee dhici karta.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa lagu lafo guray sidii uu uqabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb3 oo maalmo kooban ka hadhsan-yihiin iyo arrimaha la xiriira ka baaran degida doorashooyinka dalka.

Wuxuuna kulankaasi kusoo aadaya xili uu saaka dalka dib ugu soo laabtay madaxweyne Qoor-Qoor oo maalmihii udambeeyay safar ugu maqnaa dalka Turkiga.

Xubnaha guddiga ee uu maanta Qoor-Qoor la kulmay ayaa waxa gebi ahaanba ka maqnaa xubnihii guddigaasi ku matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Si dhaba uma cadda sababta ay xubnahaasi uga qeyb gali waayeen kulankaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, inkasta oo ay soo if-baxeyso xurguf hoos oo ka dhalatay isbedeladii siyaasadeed ee dalka, oo saameyn ku yeeshay xiriirkii dowladda iyo qaar kamid ah maamulada.

Shirka Dhuusamareeb3 ayaa lagu waday inuu furmo 15-ka bishan, wallow ay xiligan muuqan ifafaalo muujinaysa in uu dib u furmo shirkaasi oo go’aamin lahaa nooca doorasho ee dalka.