Biden oo muujiyey inuusan waxba ka duwaneyn Trump marka ay noqotay dagaalka lagu hayo Falastiiniyiinta

Washington DC (Caasimada Online) – Musharaxa Madaxtooyadda Maraykanka ee xisbiga Dimoqaraadiga Joe Biden ayaa muujiyey inuusan waxba dhaaman madaxweyne Trump marka ay noqoto cadaawadda ka dhanka ah daka Falastiin.

Joe Biden ayaa mray in ajendaha ololihiisa laga saaro tixraac walba oo ku saabsan qabsashadda Israel ee dhulka Falastiin, sida uu shaaca ka qaaday wargeyska Foreign Policy.

Senator Bernie Sanders oo ololihiisii uga tanaasulay Biden ayaa kula heshiiyay Biden in uu ogolaado in madasha Dimoqraadiga uga dhawaaqayo in ay Falastiiniyiintu xaq u leeyihiin ay ku noolaadaan dhul ka madax banaan heysashada Israel.

Si kastaba markii uu cadaadis kala kulmay ururradda u ololeeya Israeil ayuu Biden amray in madasha laga saaro tixraac walba oo ku saabsan dhul-qabsiga Israel, ayuu wariyay wargeyska Foreign Policy oo soo xiganaya ilo wareedyo saddax ah oo arrinta xaqiijiyay.

Sidaas darteed, la-taliyeyaasha Israel ayaa weydiistay hogaamiyeyaasha saameynta leh ee ka tirsan Dimoqaraadiga in ay aqbalaan dalabkoodii ahaa in Israa’iil loo aqoonsado awood qabsatay dhulka Falastiin, ayuu wargeysku sheegay.

Sida lagu sheegay warbixinta, la-taliyeyaasha Biden waxay ku doodeen in ereyga “dhul qabsi” uu khatar geliyay midnimadda Xisbiga Dimoqaraadiga.

“Su’aasha ah in qoraalka loo ogolaanayo ‘dhul qabsi’ ama jumladda ah ‘dhameynta dhul qabsiga’ ayaa la weydiiyay Biden wuxuuna yiri ‘maya’,” ayuu madaxa siyasaadda dibadda ee guddiga Maraykanka iyo Israel Jason Isaacson u sheegay Foreign Policy.

“Tani mahan arrin xisbigu u leexan karo sababtoo ah waxay kasoo horjeedaa jagada Joe Biden,” ayuu hadalkiisa ku daray Isaacson.

Foreign Policy ayaa xusay in dib u gurashadda Biden ay muujineyso diidmadiisa ah in la bedelo tobanaan sano oo si daacad ah loo taageerayay Israel.

Sidoo kale waxaa uu wargeysku sheegay dib gurashadaani ay xisbiga guul u tahay, taasi oo sidoo kalena soo jideysa in uu xiriir dhow la yeesho Israel, inkastoo Benjamin Netanyahu uu aad ugu sii dhowaanayay xisbiga Jamhuuriga iyo Donald Trump.