Biden oo xushay musharaxa madaxweyne ku-xigeenkiisa

Washington DC (Caasimada Online) – Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u xushay Senator Kamala Harris oo laga soo doorto gobolka California inay noqoto musharaxa madaxweyne ku-xigeenkiisa Mareykanka.

“Waxaa Sharaf ii ah inaan ku dhowaaqo inaan doortay in Kamala Harris – dagaal-yahan aan ka cabsan ninka yar, islamarkaana ah mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa ee dalka usoo shaqeeyey – ay noqoto qofka ila ordaya,” ayuu Biden ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

“Joe Biden waxa uu mideyn karaa dadka Mareykanka, wuxuu noloshiisa ku bixiyey inuu inoo dagaalamo,” ayey Harris ku qortay iyana barteeda twitter-ka. “Waxaa Sharaf ii ah inaan noqdo musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga dimoqraadiga,” ayey ku dartay.

Kamala Harris ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee madow ama Asian ah oo noqota musharax madaxweyne ku-xigeen. Kamala Harris ayaa waxaa iska dhalaya hooyo Hindi ah iyo aabe Jamaican ah oo soo-galooti ku ahaa Mareykanka.

Ayada oo dalka Mareykanka ay ka jiraan rabshado ka dhashay sida aan wanaagsaneyn ee booliska ula dhaqmaan dadka madow, ayaa Biden waxaa saarnaa cadaadis ku saabsan inuu doorto haweeney madow ah si ay tartanka ula gasho.

Harris oo sanadii 2016 noqotay kaliya haweeneydii labaad ee madow ah oo senator loo doorto ayaa la filayaa inay Biden ka caawiso inay xoojiso codadka uu ka filayo dadka madow ee Mareykanka.