Ujeedka kulankii dhexmaray Qoor Qoor iyo Guuleed

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabidkariin Xuseen Guuleed ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka, xaaladda Galmudug iyo shirka Dhuusamareeb-3.

Cabdikariin Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay inay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh.

Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Qoor-Qoor ku boggaadiyey dadaalladii iyo howlihii wanaagsanaa ee uu qabtay muddada yar ee uu hoggaanka u hayo dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro.” ayuu yiri Cabdikariin Xuuseen Guleed.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan shirka Dhuusamareen-3, isaga oo shaaciyey inay ku ballameen in shirkaasi lagu qabto waqtigiisa, si looga arrinsado xaaladda dalka, gaar ahaan qabsoomida doorashada 2020/2021.

“Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3. Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Guuleed.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo 15-ka bishan August qurshuhu yahay inay markale Dhuusamareeb isugu tagaan madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loogu heshiiyo doorashada 2020/2021.