Deni oo farriin u diray reer Muqdisho isaga oo diiday laba arrin oo ay waddo DF

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani oo xalay hadal ka jeediyey munaasabad lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ka hadlay arimo dhowr ah, isagoo eedeymo badan u soo jeediyey dowladda federaalka.

Ugu horeyn Dani ayaa madaxda dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku fashilmeen amnigii guud ee dalka, si gaar ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo uu sheegay in amni darada ka jirta ay fashil ku tahay madaxda hoggaamisa dowladda dhexe.

Madaxweyne Dani ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka tashadaan aayahooda amni gaar ahaan dadka reer Muqdisho, isagoo reer Puntland-na ugu baaqay inay kaalin ka qaataan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweyne Dani ayaa soo hadal qaaday sharciga Batroolka dalka oo shalay uu ansixiyey golaha Aqalka Sare, waxuuna labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ku dhaliilay inay ku deg-degeen ansixinta sharcigaas.

Dani ayaa sheegay in Puntland ay ka digeyso ansixinta sharciyada dalka ee aan lagala tashan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

“Puntland kuma qanacsana dib u habeynta ku socota dastuurka dalka ee aan laga tala geli n dowlad goboleedyada dalka ka jira, dowladda federaalka waxay iska indha tireysaa ka qeyb galinta arimaha dastuurka ee dowlad goboleedyada dalka, waxay jebisay dhamaan heshiisyadii horay loo wada gaaray”ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Dani.

Madaxweyne Dani ayaa khudbadiisa ku sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ee Puntland uu diyaar u yahay inuu ka qeyb galo meel kasta oo wadahadal dhab ah uu ku dhex marayo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

“Puntland waxay soo dhaweyneysaa inay diyaar u tahay meel walba inay kaga qeyb gasho wadahadal dhex mara dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waa hadii ay dhab ka tagay dowladda federaalka”ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani.

Ugu dambeyntii Dani ayaa shacabka iyo maamulka reer Somaliland ugu baaqay inaysan dayicin midnimada umadda Soomaaliyeed.