Odayaasha maamulka Galmudug oo bilaabay soo xulista cildhibaanada cusub

Dhuusamareeb (Caasimada Online) Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa durba bilaabay soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Baarlamaanka labaad dowlad Goboleedka Galmudug sida ay sheegayaan warbixino halkaas laga helayo.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli odayaasha shalay loogu soo afjaray tababar ku saabsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada.

Odayaasha dhaqanka beelaha daga Galmudug waxaa loogu baaqay iney soo xulaan xildhibaano aqoon leh, waxaana loo sameeyay ballan qaad ku saabsan in la abaalmarin doono saddexda beelood ee la yimaada tirada ugu badan ee xildhibaanada aqoonta leh.

Ballanqaadka waxaa sameeyay sida la sheegay Gudoomiyaha guddiga Farsmmada ee maamul u sameynta Galmudug, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya howsha socota.

Odayaasha dhaqanka waxaa laga sugayaa iney soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyagoo tirada ku darsanaya xildhibaanadii Ahlusunna ee goor hore la meel mariyay, waxaana la wada ogyahay in lagu saleyn doono habka awood qeybsiga beelaha halkaas daga.

Arintaan waxey kusoo aadeysaa xilli qaar ka mid ah beelaha halkaas daga ay saluugsan yahiin habka ay wax u socdaan, sidoo kalana ay Gaalkacyo ka jirto xiisad kasoo horjeeda.