Deni oo ka hadlay dhacdadii Boosaaso, shaaciyeyna arrin dhex-martay isaga iyo Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cadullaahi Deni ayaa markii uu horreeysay ka hadlay diyaaradii dhawaan laga soo celiyay garoonka Magaalada Boosaaso iyo dagaalkii ka dhashay.

Saciid deni waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka aysan ka warqabin diyaaradda gargaarka siday ee tagtay magaalada Boosaaso.

Deni ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaas ay khilaaf ka dhex abuurtay hay’adaha maamulka Puntland, wuxuuna xusay in xataa diyaaradaas aysan war ka heyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Isla markii aan xogtaas helay waxaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, wasiirka Gargaarka iyo ergayga abaaraha waxayna ii sheegeen in aysan war u hayn,” ayuu yiri Saciid Deni oo ka hadlay daah-furka Shirweynaha Gurmadka Abaaraha Puntland.

Ugu dambeyntii Saciid Deni ayaa sheegay in diyaarada siday gargaarka ay aheyd mid ay horey uga mamnuuceyn deegaanada maamulkaas kadib markii uu khilaaf ka dhashay gargaar ay horey uga dajisay garoonka Garoowe, sida uu isaga sheegay.

Hase yeeshee, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sidda ka hor tegitaankeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya sheegtay kadib markii ay diyaaraddu degtay uu la socoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu kusii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee duuliyuhu sheegay inuu u baahan yahay inuu shidaal qaato.

Waxay intaas ku dartay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan ah oo iskugu jira bur, bariis iyo saliid; iyo wleiba cuntooyinka nafaqada.

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira shacab iyo askar ayaa ku dhimatay tirro kalana way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad ka dhashay dhacdadaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka caafimaadka ah