Xasan Sheekh oo ka leexday dariiqii Farmaajo ee is-qarinta – Maxay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa dareen aan si fudud lagu cabiri karin. Waa kulan Villa Somalia ku dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo waalidiinta dhallinyaradii tababarka ciidan loogu qaaday waddanka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan safar ku tagay wadanka Eritrea. Ujeedka ugu weyn ee safarkiisa ayaa la xiriiray dhallinyaro halkaas loo geeyey tababar ciidan si ay uga mid noqdaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Doodda ciidamadaan muddo badan ayey taagneyd, safarkii madaxweynaha kadib waxaa billowday hadalo rajo u badan oo la xiriiray in dib loo heli doono dhallinyaradaas.

Tan iyo markii uu madaxweynaha dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaa aad loo sugayey tallaabadiisa koowaad. Arbacadii waxay aheyd maalin gaar u ah waalidiinta dhalay dhallinayarada tababarka loo qaaday. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka beeray waddadii aamusnaanta ee hoggaamiyihii ka horreeyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna qaabilay qaar ka mid ah waalidka dhalay dhallinyarada ku maqan tababarka.

Muuqaal ay sii deysay Villa Somalia wuxuu madaxweynaha u sheegay waalidka inuu soo arkay dhallinayaradaan ayna yihiin kuwa ay ka go’an tahay inay dalkooda u adeegaan. Wuxuu sheegay in tallaabo walba oo geysinimo ah ay ku kacdo qiimo gaar ah uuna si walbaba ciidankaas uu kusoo celin doono dalka.

Muuqaalka ka sokow waxay madaxtooyada qoraal ay soo daabacday ku sheegtay inuu madaxweynaha waalidka la wadaagay inay jireen caqabado haystay ciidanka balse hadda la xaliyey, lama faahfaahin caqabadahaas.

Qaar kamid ah waalidka dhalay dhallinayarada ku maqan Eritrea ayaa soo dhaweeyey inuu madaxweynahu booqday ciidankaas iyo inuu u war bixiyey.

Haweeney ka mid aheyd dadkii hadlay waxay sheegtay inuu wiilkeeda soo wacay Talaadadii isagoo aad u faraxsan. Sidoo kale dareenka kulanka ayaa ahaa mid gebi ahaanba jiiray dhaqankii hore ee Villa Somalia. Maamulkii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa diiday inuu la hadlo waalidkaan.

Maxay ka dhigan tahay tallaabadii Xasan Shiikh?

Si weyn ayaa loo soo dhaweeyey booqashada madaxweynaha ee ciidanka iyo kulankii uu la qaatay waalidka. Xasan Sheekh horey ayuu u ballan qaaday in haddii la doorto uu dalka kusoo celin doono wixii ka dhaqan ciidankaas.

Fallanqeeyaasha waxay leeyihiin seddex arrimood ayaa ka dhex muuqata tallaabadaan.

  1. Ballan oofin

Madaxweynaha wuxuu horey u ballan qaaday inuu waqti badan gelin doono soo celinta dhallinayaradaan, wuxuuna safarkiisa ka dhigan yahay oofinta ballantii.

  1. Dabci hoggaamineed oo wanaagsan

Inuu Xasan Sheekh Maxamuud aqbalo la kulanka iyo warbixinta waalid maalmo badan ku hor ilmeenayey Villa Somalia ka sokow garashada qofka, haddana dhinac kale waa dun iyo dabci wanaagsan oo hoggaamineed.

  1. Rajo

Madaxweynuhu inuu deg deg u qaabilo waalidka iyo inuu warbixin siiyo waxay muujineysaa rajo la xiriirta in ciidankaas xaaladoodu fiican tahay deg degna loogu soo celin doono dalka.