Sawirro: Sidee Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay.

Madaxweynaha ayaa isla maanta la kulmi doona dhigiisa madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wada-hadaladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xooga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Xasan ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taasi oo horseedaysa horumarinta hanaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya.

Safarka madaxweynaha ee Kenya ayaa sidoo kale waxa uu door weyn ka qaadanaya adkeynta xiriirka labada dal, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Si kastaba, Safarkaan ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa iyo markii la doortay 15-kii bishii May, ayada oo ay u buuxsantay 60 cisho oo uu xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.