Puntland oo tallaabo qaaday kadib dhacdadii fakashada xubnaha Al-Shabaab

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ku-simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Mudug Xasan Cabdullaahi Warsame ayaa guddi baaris u magacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacday Saldhiga Cirka oo ay ku xirnaayeen qaar kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa loo xil saaray baarista dhacdada fakashada maxaabista, kaasi oo uu ku jiray wakiilkii sare ee Al-Shabaab u qaabilsana Gaalkacyo.

“Waxaa farayaa taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug iyo taliyaha saldhiga Cirka inay guddiga baarista u fududeeyaan hawsha baaritaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Mudug.

Dhacdadaan ayaa habeen hore ka dhacday xabsiga sida gaarka ah ay ugu xirnaayeen xukunsanayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana ka baxsaday 7 xubnood, ayada oo Afar kamid ah oo mid dhaawac yahay la qabtay, halka Saddex kamid ah aan illaa hadda gacanta lagu soo dhigin

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha:

1. Maxamed Xassan Waloore: Guddoomiye kuxigeenka 2aad G.Mudug
Guddoomilyaha Guddiga

2. Maxamud Cabdi Nuur – Duga Magalaada Gaalkacyo xubin

3. Gaashaanle Sare Aadan Nuur Cali – Taliyaha Xabsiga Dhexe Gobolka Mudug xubin

4. Gaashaanle dhexe Maxamed Cabadulaahi Xirsi

5. Gaashaanle Maxamed Khaliif Jaamac – Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Mudug Xubin

6. Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS G/Mudug Cawil Balley

7. Ku-xigeenka CID-da gobolka Mudug lbraahim Bidaar xubin.