Macallin dugsi quraan oo sabab yaab leh loogu dilay magaalada Muqdisho + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxa magaalada Muqdisho lagu aasay Macalin Nuur Jimcaale Cali oo ahaa Macalin dugsi Quraan oo xalay lagu dilay xaafada Nageyle ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Kooxda burcadka ee dilay Macalin Nuur ayaa doonayay inay ka qaatan telefoon gacanta oo qiimihiisa uu ka yar yahay 20 Dollar, kuwaasi oo markii dambe dilay xili uu kasoo laabtay masjidka oo uu kusii jeeday gurigiisa.

Hooyada dhashay Macalin Nuur iyo eheledda qoyskiisa ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowladda in cadaalad u hesho Wiilkeeda, oo ay dishay gacan ka gardaran, islamarkaana cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

“Igaarkeyga gacan ka gardaran ayaa dishay, macalin dugsi ayuu ahaa Ilaahay ayaa saacadiisa intaas ku simay. Adduunyada la joogi maayo gacan ha la igu adeego. Igaarkeyga iisoo noqon maayo ee Janno Farduuso allaha ka waraabiyo,” ayey tiri.

“Cadaalad ayaa rabaa, madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, kuli guddoomiyeyaasha iyo dhamaantood waxaa ka rabnaa cadaalad.”

Sidoo kale waxay laamaha amniga ka codsadeen inay sida ugu dhaqsaha badan uga howl-galaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay dilka Macalin Nuur.

“Walaalkay Allaha u naxariisto, waxa Kaaraan ka dhacaya wax loo dulqaadan karo ma aha, waa inay dowladda wax ka qabato oo sharciga la horkeeno, waa Nin ehlu diin ah oo masaajidka ayuu kusoo tukadaya, wax loo adkeysan karo ma ah ee waa inay wax ka qabato dowladda.”

Dilalka iyo dhaca loo geysanayo shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dambe noqday wax joogto ah, waxaana inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ka dhaca dil iyo dhac loo geysto dadka shacabka ah.