Mareykanka oo qaaday tallaabo ay si weyn usoo dhoweysay Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo dhaweysay xeerka difaaca qaranka Mareykanka oo golaha wakiilada Mareykanka ay wax ka badal ku sameeyeen si la isku waafajiyo xiriir difaac oo dhex mara Somaliland iyo Mareykanka iyo xeer kaga degsan.

War–saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay Somaliland si weyn usoo dhaweeneyso wax ka badalka lagu sameeyey xeerkaan oo la ansixiyey Khamiistii shalay aheyd.

“Jamhuuriyada Somaliland waxay soo dhaweeneysaa ansixinta Golaha Wakiilada Maraykanka ku sameeyeen xeerka ogolaanaya in wasaaradda arrimaha dibaddu ay samayso cilmi-baaris iyo ka warbixin xiriir ammaan oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Xeerkaan ayaa sahlaya in Mareykanka iyo Somaliland ay yeeshaan wada-shaqeyn la xiriirta in Mareykanka iyo xulafadiisa helaan albaab ay ka galaan Geeska Afrika si looga hortago joogitaanka Iiraan ee gacanka Cadan.

Sidoo kale, ujeedka laga leeyahay xeerkaan ayaa ah in laga hortago saameynta sii kordheysa ee Shiinaha, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo hubka sharci darrada ah. Waxaana sidoo kale la sheegay inuu xeerkaan keeni doono horumar dhanka ganacsiga ah.

Dhanka kale, wakiilka maamulka Somaliland u jooga Mareykana Bashiir Good oo isna qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyey ansixinta xeerkan, wuxuuna golayaasha sharci dajinta Maraykanka ka codsaday in ay gacan ka gaystaan dhaqan gelinta xeerka ay ansixiyeen.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa aqalka wakiilada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgalinta talaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibada iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi-baaristaan oo waqtigeeda ku qabsoonta waxay horseedi doontaa horumarinta xiriirka Mareykanka iyo Somaliland” ayuu yiri.

Ansixinta xeerkaan ayaa yimid kadib safarkii uu madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Mareykanka bishii March ee sanadkaan, waxaana la filayaa in labada dhinac ay dhawaan kala saxiixdaan heshiisyo la xiriira dhanka ammaanka iyo diblomaasiyadda.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee lagu soo dhaweeyey ansixinta xeerkaan taasoo lagu qoray luuqadda ingiriiska.