Deni oo ka hadlay wel-welka laga qabo heshiiskii Villa Somalia, hal arrina dalbaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo magaaladda Muqdisho kaga qeyb-galay xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayo ayaa waxa uu kaga hadlay wel-welka iyo walaaca ay xildhibaanada qaar ka qabaan heshiiska ay dhawaan ku saxiixeen Villa Somalia.

Munaasibadaasi ayaa waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka, Mahad Cawad, Goleyaasha DFS, Maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ugu horeyntii waxa sheegay in ‘meesha laga saaro wel-welka dadka qaar muujinayaa’, maadama uu heshiiska ay dhawaan gaareen uusan aheyn mid kaligood u gaar ah, balse ay ka qeyb-yihiin xildhibaanada labada gole.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in xildhibaanadu ay meel-mariyaan heshiiskaasi, xili xildhibaanadii ka qeyb-galay munaasibadaasi ay walaac iyo cabasho xoogan ka muujiyeen heshiiskaasi dhawaan lagu saxeexay Villa Somalia.

Sidoo kale waxa uu dalbaday in la is-cafiyo oo si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkiid dambe jahwareer siyaasadeed oo hor leh ka abuurtay dalka.

Deni ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si cad u sheegay inuusan colaadsan doonin xildhibaanadii sida weyn u mucaaradi jirey sanadihii u dambeeyay, oo uusan lugta qaban doonin tartanka ay ku rabaan in dib ugu soo laabtan.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa dhawaan heshiis kama dambeys ah ka gaaray khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, kaasi oo la horgeyn doono golaha shacabka si ay u meel-mariyaan.