Maxay yihiin caqabadaha horyaalla R/Wasaare Rooble?

 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee badalaya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa waxaa hor yaallo shaqooyin adag oo ay ugu horreyso doorashada soo socota ee dhammaadka 2020 illaa 2021-ka.

Prof Maxamed Xasan Doob oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub oo heysta muddo kooban ay hortaallo howl baaxad weyn oo wadata guul iyo guul-darro, wuxuuna tilmaamay in loo baahan in lala shaqeeyo.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in laga sugayo inuu fuliyo 15-ka qodob ee heshiiska doorashada, waxna ka qabto ammaanka iyo siyaasadda.

“Howl aad u baaxadweyn ayaa hortaalla oo guul iyo duuldarro wadata, waxaana ugu weyn 15-ka qodob ee heshiiska Madaxda DFS & DG, Doorashada, Amniga, Siyaasadda, Xubnaha Mucaaradka iyo kasbashada dadka” ayuu yiri Prof Maxamed Xasan Doob.

Waxa kale oo uu intaasi u daray in Ra’iisul wasaaraha uu guuleysan karo, haddii loo madax baneeyo waajibaadka shaqo ee la saaray, islamarkaana lala shaqeeyo.

“Haddii loo madax-banaaneeyo howsha shaqo oo aysan lugaha ka qaban Madaxweynaha, Baarlamaanka & Dowlad Goboleedyada, waa uu ku guuleysan doonaa waxa laga rajeynayo, balse haddii uu la yimaado qorshooyin Siyaasadeed iyo amni, isla markaana si feejigan wax waliba u eego waa uu ka gudbi doonaa culeyska muuqda.” ayuu raaciyey.

Si kastaba ha’ahaatee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu ansixiyo Ra’iisul wasaaraha cusub oo lagu dhowaaqay 17-kii bishan ee 2020-ka.