Deni oo madaxtooyada ku kulmiyay madaxdii ku sugnayd xaflada Garowe

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta markale madaxtooyada Garowe ay ku kulmeen dhamaan xubnihii ku sugnaa magaalada Garowe.

Madaxda ayaa quraac sharafeed saaka loogu sameeyay madaxtooyada magaalada Garowe, sida xogaha aan ku heleyno, waxaana kulamo gaar gaar ah yeeshay madaxda kala duwan ee kusugan magaalada Garowe.

Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxda aysan laheyn qorshe ahaan inay mid mid isku arkaan, waxaase la hadal hayaa inay kulamo gaar gaar ah yeelan doonaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

“Madaxweynaha Dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Quraac sharafeed iskugu keenay Madaxda D. gobaleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ka dhacday Madaxooyada Puntland ee Garoowe”sidaa ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Xubnaha mucaaradka ayaa sidoo kale ku sugnaa madaxtooyada magaalada Garowe, waxaana la sheegayaa in kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta maamulka Puntland.

Madaxda ku sugan magaalada Garowe ayaa xalay jeediyay khudbad u muuqatay sida ay u wada jecel yihiin horumarka Soomaaliya, waxaana ay ku wada baaqeen iscafin iyo horumarka oo laga shaqeeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimad@live.com