Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xiisadda ka taagan maamulkaasi, kadib go’aankii baaramaanka ee lagu ansixiyay wax ka beddalka dastuurka.
Saciid Deni ayaa saxiixay xeerka wax ka beddalka qodobada qaar ee dastuurka Puntland, kaas oo ay dhowaan u codeeyeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntand.
Madaxweynaha ayaa soo saaray Sharci Lr. 02 ee 27-ka Luulyo 2023, kuna saabsan Sharciga Wax-ka-badalka 1-aad Dastuurka Puntland, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Saciiid Deni.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay digreetadan in Nuqulada asalka ah ee sharcigan la geyn doono xafiiska madaxweynaha, midka guddoomiyaha baarlamaanka iyo garyaqaanka.
“Nuqulada asalka ah (Original) waxaa lagu kala kaydinayaa Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Puntland”
Waxaa kale oo wareegtada lagu yiri “Dhaqangal Sharcigani wuxuu noqonayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dowladda Puntland, Wuuna saxiixay Madaxweynuhu, sidoo kale waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ah”.
Tallaabada uu maanta qaaday Deni ayaa ku soo aadeysa, xilli ay weli mucaaradka diidan yihiin ansixinta wax ka beddalka dastuurka oo ay isku raaceen baarlamaanka iyo Deni.
Si lastaba, lama oga sida ay noqon doonto xaaladda iyo halka ay arrintu ku dambeyn doonto, ayadoo xubnaha mucaaradka ay ku goodiyeen inay qabsan doonaan doorasho kale.