Deni oo shaaca ka qaaday ballan-qaad uu u sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaca ka qaaday ballan-qaad ay madaxda maamul goboleedyada ka haleen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Deni oo uu soo xigtay wargeyska The Economist ayaa faha-faahin kooban ka bixiyey casho uu madaxweyne Xasan Sheekh Muqdisho ugu sameeyey madax goboleedyada waxyar kadib markii la doortay 

“Waxa uu noo ballan-qaaday inuu xukunka nala wadaagi doono islamarkaana uu soo dhameystiri doono dastuur cusub oo federaal. Waxay aheyd khudbad aad u wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Deni. 

Deni faha-faahin kama bixin waxa uu ka wado xukun wadaagista, balse waxaa la fahamsan yahay inay la xiriirto jagada ra’iisul wasaaraha, oo uu madaxweynaha Puntland uu ka mid yahay dadka u sharaxan. 

In kasta oo la rumeysan yahay in Xasan Sheekh aanu hamuun u qabin inuu magacaabo Deni, haddana waxaa la fahamsan yahay in ugu yaraan uu ka talo-gelin doono isaga iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muhiim u ahaa dagaalkii looga adkaaday Maxamed Farmaajo, waxaana la filayaa in Xasan Sheekh uu ku abaal-mariyo in ra’iisul wasaaraha uu u magacaabo qof kasoo jeeda Jubaland iyo Puntland. 

Inkasta oo uu jiro loolan u dhaxeeya labada gobol, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan in Xasan Sheekh uusan mid gaar ah door bideyn, ayna ku xiran tahay halka uu kasoo jeeda qofka noqda musharaxa ugu wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo kadib caleemo-saarka madaxweynaha oo sida aan xogta ku helnay dhaceysa 9-ka bishan June 2022. 

Xasan Sheekh ayaa muddo xileedkiisii koowaad ee 2012-2017 wuxuu magacaabay saddex ra’iisul wasaare oo laba ay ku beel ahaayeen Farmaajo halka midka kalena uu ku beel ahaa Saciid Deni. 

Weli Soomaaliya ra’iisul wasaare kama noqon qof kasoo jeeda beesha Axmed Madoobe, waxaana jira guux ku saabsan inay tahay in markan la siiyo.