La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyey arrin laga faafiyey

Muqdisho (Caasimada Online) –La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshada oo la xiriira in kulan uu la qaatay saraakiil Ethiopian ah. 

Wararkaas ayaa lagu sheegay in Xuseen Macallin uu safar qarsoodi ah ku tegay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka kooxda TPLF ee ka dhisan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Ethiopia. 

Warbixinadaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuseen iyo saraakiisha TPLF ay ka wada-hadleen xasaradaha bani’aadaminimo ee ka taagan gobolka Tigray iyo amniga gobolka.

Si kastaba, Xuseen Macallin ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa twitter-ka ku beeniyey wararkaas.

“Fadlan iska jira wararka beenta ah ee wareegaya Internet-ka. Kama safrin Muqdisho tan iyo markii la ii magacaabay la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,” ayuu Xuseen Macallin ku yiri qoraalka uu soo dhigay twitter.

Wararkan ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan taageerayaasha madaxweyne Farmaajo oo dagaal xooggan oo dhanka baraha bulshada ah ku hayey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay ku dhowaad saddex toddobaad kahor. 

Mid ka mid ah caddeymaha ugu weyn ee muujinaya in warka laga faafiyey Xuseen Macallin uu been yahay ayaa ah; inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya TPLF iyo Jabuuti, islamarkaana aysan madaxdooda joogi karin Jabuuti.

Jabuuti ayaa si buuxda u taageertay dowladda Abiy Ahmed markii uu qarxay dagaalka gobolka Tigray.

Bishii June 2021, warbaahinta dowladda Ethiopia ee FANA ayaa werisay in Jabuuti ay Addis-Ababa usoo gacan gelisay dagaal-yahano Tigray ah oo dalkaas u baxsaday, taasi oo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka labada dal, iyo inaysan suurta-gal aheyn in saraakiil TPLF ah ay Jabuuti kula kulmaan mas’uuliyiinta dal kale.