Cadadka lacagta uu Farmaajo bishii ka qaadan doono DF xilli uu dalbaday qaaraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi-soo tareysa falcelinta lacagta loo uruurinayo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si guri loogu dhiso, waxaana baraha bulshada ka socda abaabul xoog leh oo ay wadaan taageerayaasha Farmaajo.

Waxaa lasoo bandhigay akoono iyo lambarro lagu uruurinayo lacagtaas, waxaana qaarkood iska leh shakhsiyaad gaar ah oo ka shaqey jiray xafiiskiisa, welina ku dhow dhow Farmaajo.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya Madaxweyne kasta oo xukunka si nabad ah ku wareejiya wuxuu yeelanayaa miisaaniyad dhan $25 kun oo kharashaadka gurigiisa iyo ilaaladiisa ku baxaya ah iyo $8 kun oo mushaar ah bil kasta.

Wadarta lacagtaas waxay sanadkii noqoneysaa 396 kun oo dollar, baarlamaankii 9-aad ee dalka ayaa ansixiyey qodobkaan dhigaya in madaxweynihii xukunka si nabad ah ku wareejiya la siiyo kusiga xildhibaan aan dhicin iyo $33 kun oo bil kasta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu bilaabay dhaqan gelinta qodobkaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ee dowladda.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka mid noqonayaa labo mudane oo 12-ka bishaan lagu dhaarinayo kulanka golaha shacabka, wuxuuna qaadanayaa kuriga Xildhibaan sharafeed aan dhici doonin abid.

Dhaarinta xildhibaanimo ee Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorsheeyey inay dhacdo Arbacadii lasoo dhaafay, balse fadhigii xildhibaanada golaha shacabka ayaa u furmi waayey kooram la’aan.

Dad badan ayaa aad ula yaabay ololahaan uu Farmaajo ku dalbaday in guri loogu dhiso, waxayna dadka ka falceliyey arrintaan ay qabaan in aysan jirin baahi Farmaajo ku kalifi karta inuu qaaraan weydiisto dadkaan gaajada ugu dhimanaya abaarta dalka ka jirta, isagoo bil kasta qaadanaya $33 kun.

Waxaa shaki badan la gelinayaa sida ay lacagtaasi ku geli karto gacan aamin ah, maadaama akoonada iyo lambarada lasoo bandhigay ay badankood leeyihiin shakhsiyaad gaar ah.

Dad badan oo ka falceliyey uruurinta qaaraankaan waxay qabaan, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan hadda wajaheyn duruufo dhaqaale, ololaha guriga loogu dhisayo ma u wareeji doonaa gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen?

Farmaajo wuxuu dhowr jeer fagaare ka sheegay inuu yahay wadani jecel dalka iyo dadkiisa, waxaana hadda hor taalla xujo ah sida uu u maarey doono lacagta loo uruurinayo, iyadoo malaayiin dad Soomaaliyeed ah ay abaar daran ku jawahayaan gudaha dalka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay wuxuu ku yiri, “Qoysas baa quraac quudan, qado iyo casho warkoodaba daa. Guri sharafeed mise Gaajo, Alleylehe gaajo baa gurmadka mudan! Haloo gurmado hooyada harraadsan, sabiga iyo waayeelka gaajada u la’anaya, taa baa darajo sare leh diiniyan iyo damiir ahaanba.”

Todobaadkaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku maray gobollada Bay iyo Galgaduud ayaa dul tegay qaar ka mid ah qoysaska ay sida daran u saameysay abaarta dalka ka jirta, wuxuuna ku baaqay in qof kasta wixii uu awoodo uu la gaaro dadka dhibaateysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weli aan la caleemo saarin, maalmo koobana xukunka jooga, wuxuu ku baaqayaa gurmad qaran, halka Madaxweynihii hore Farmaajo uu ka dhinac furay olole uu doonayo in loogu dhiso guri sharafeed Qasri ah.

Hadaba Xasan iyo Farmaajo kee wadani ah? Danyarta iyo Farmaajo yaa mudan in maanta loo gurmado? Ma Farmaajo oo bil kasta qaada doona 33 kun oo Dollar, mise hooyada Soomaaliyeed ee haraadka iyo gaajada u dhimaneysa?