Deni oo waxba kama jiraan ka dhigay tallaabooyinka uu qaaday Axmed Karaash

Garoowe (Caasimada Online)– Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku shaaciyay inaysan dhaqangal aheyn wareegto kasta ee uu soo saaray ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, islamarkaana sharci daro ay yihiin tallaabooyinkii uu qaaday.

Saciid Deni, oo daliishanaya qodobka 80-aad, farqaddiisa 2-aad, ee dastuurka Puntland oo qeexaya fulinta awoodaha dastuuriga ah, ayaa sheegay in aysan dhaqan gal aheyn tallaabo kasto oo uu qaado ku-xigeenkiisa isagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya,” ayuu ku yiri Saciid Deni qoraal uu soo saaray caawa.

“Waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni oo shaqaalaha maamulka kula hadlay waeeegtadiisa.

Tallaabada Saciid Deni ayaa ka danbeysay kadib markii khilaaf cusub uu soo kala dhex galay isaga iyo ku-xigeenkiisa, taasoo keentay in Axmed Karaash uu sheego inuu awoodii madaxweynenimo la wareego.

Axmed Karaash ayaa maanta magacaabay 20 xilal oo ugu muhiimsan magacaabista guddoomiyaha gobolka Mudug oo uu u mgacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, waxaana xilkaasi hayay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.