Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Puntland, ayaa sheegay in haddalka Dowlada Federaalka ee ah qaadashada Heshiis midnimo Qaran aysan iyagu u arag wax jira.
Waxa uu sheegay Karaash in Maamulka Puntland uu dhinac waliba isaga filan yahay waxa uuna Tilmaamay in marnaba aysan Ogolaan doonin Midnimo ay soo dhoo-dhoobtay Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh.
Axmed Karaash ayaa waxa uu hadalkaani sheegay xilli uu soo dhaweynaayay Afar Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada oo gaaray Gaalkacyo.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash Isagoo ka hadlayay Hishiiskii ay dhawaan Dowlada ku sheegtay inay maamul ugu sameynayso Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay u arkaan ereyadii ay Warbaahinta u sheegi jireen Odayaasha Hawiye oo ay ugu horeeyan Xaad iyo Axmed Diiriye.
Waxa uu Sidoo kale sheegay inaysan dib isugu soo laaban doonin Dowlada iyo Maamulka Puntland, waxa uuna Cadeeyay inay ku howlan yihiin qorshihii ay uga tashan lahaayen Dowlada Federaalka.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ” Haa anigu waan aqriyay qaab qoraaleedka Hishiiskaas. waxaan umaleenayaa mas’uuliyiin majoogin meesha lagu qoray’’.
Karaash oo Hadalkiisa intaa kasii ambaqaadayo waxa uu yiri ‘’waxaan oran karaa waa ereyadii ay ku hadli jireen Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo Xaad. Waxaanba is iri iyaga ayaa goobta joogay’’
Dhanka kale, Haddalka Wasiirka Arimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa waxa uu barbar socdaa haddalo kala duwan oo maalmahaani kasoo baxaayay Maamulka Puntland gaar ahaan Madaxweyne C/weli, waxa uuna u muuqanayaa hadalkaasi mid sii kala fogeynaaya Siyaasadaha Dowlada iyo Maamulka Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho