“Dowlada iyadaa u yeelyeeshay Kenya ee Xasan Sheekh qaraarka ha dhadhamiyo” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliil kala duldhacay Hanaanka ay DF Somlia dooneyso inay dib u saxdo khaladaadka la xiriira arrimaha Badda Somalia.

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa sheegay in DF Somalia ay xiligaani la xumaatay heerka uu gaarsiisan yahay boobka lagu hayo Badda Somalia, waxa uuna sheegay in Dowladu ay u yeelyeeshay Kenya.

Waxa uu sheegay in labada dacwad ay hormartay tan Kenya taasina ay suuragal tahay in mar waliba ay carqalad la kulanto DF Somalia, taa oo sahli karta in Kenya ugu yaraan qeyb ka hesho qeybta uu muranka ka taagan yahay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay jiraan wadamo dhowr ah oo gacanta kula jiro muranka Badda kuwaasi oo gadaal ka riixaya Dowlada Kenya, waxa uuna sheegay inay doonayaan in Sharikado macdanta baara oo ay iyaga leeyihiin ay ka shaqeeyaan si ay Kenya ugu qaataan dhaqaale.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa ka deyriyay qaabka ay iminka u socto dacwada waxa uuna DF Somalia uga digay in Dacwadaasi ay furto iyada oo aan heysan Khubaro ku xeeldheer arrimaha Badda.

Geesta kale, Dowladda Kenya ayaa iyaduna fursad u heysata mudo 10 bilood ah oo ay ku keeni karto Dacwadda ay qeybta ka tahay, waxaan fadhiga ugu horeeya ee Dacwadaasi uu dhici doonaa Bisha March ee 2016ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com