PUNTALAND waa qabiil qaldan balse isla quman, Qaranimana aan rabin

Waa qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, hal-hays waxaa u ah Puntland waa hooyada Federaalka, dhaqan ahaan waxaa lagu yaqaanaa haddii ay siyaasaddu kululaato iney la soo boodaan Puntland waxey xiriirka u jartay Dawladda Dhexe ee Soomaaliya, had iyo goor waxqabadka Dawlad Goboleedkaasi waa EED aan dhamaad lahayn, waa u caado cambaaraynta wakiilada beesha Caaalamka ee Wadankeena, iyagoo ku tuhmaya inaaney kala shaqeynaynin danahooda qabiil.

Saaxiibadeena Puntland marka ay ka tan-badiso caadifadda qabiil ay caanka ku noqdeen waxey ku hadaaqaan iney ku dhaqmayaan qodobka Afaraad (4) ee Dastuurkooda, kaasi oo sheegaya sida uu noqonayo aayaha reerahooda haddii ay rabitaankooda ka waayaan Qaranka Soomaaliyeed, dabeecad ahaan waxey jecel yihiin iney qaataan SED-BURSI ka badan inta ay xaqa u leeyihiin, maamulkooduna waxuu isu haystaa inuu la mid yahay DAWLADDA DHEXE, mucaarad aan macno lahayn waa u joogto masuuliyiintooda, xitaa madaxdooda ka tirsan Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwooda ku jira Paarlamaanka Qaranka kama xishoodaan iney qaab-daro iyo qabiil dartiis ku difaacaan qaladaadka ka dhaca deegaanadooda.

Reer Puntland kama fiicna Soomalida kale, dadku waa is-yaqaanaa, deegaan walbana waa la garanayaa waxa uu galo ama uu gudo (taro), nasiib daro waxaa ah in qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qeyb ka mid ah Mudug, Nugaal iyo Bari iney ku kacaan falal lidi ku ah wada noolaanshaha iyo nabadii lagu wada naaloonayay (joogay), balse arintaasi waxaa ka sii fool xun in Aqoonyahankii, Wax-garadkii iyo dadkii samaha jeclaa iney eeganayaan ficilada ay ku kacayaan wax ma-garatada la qalday, runtiina waxaa FADEEXAD Puntland ugu filan iyagii ku faanayay iney Federaalka Soomaaliya bilaabeen inay maanta qabiileeyaan Federaalkii baas oo ay keeneen.

Dhawaan goobo ka mid ah deegaanada Puntland waxaa ka dhacay dibad-baxyo kuwii abid ugu xumaa ee banaanka soo dhigay sida uu qabiilku u diloodaay dadka deeganadaasi, Magaalooyinka Garoowe, qeyb ka mid ah Gaal-kacyo, iyo Boosaaso waxaa ka dhacay banaan-baxyo lagu caambaaraynayay madaxda Qaranka sida Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Paarlamaanka, hase yeeshee waxaa laga reebay Ra’iisul Wasaaraha oo la sheegay inuu yahay nin GOB ah oo ka soo jeeda beesha MAJEERTEEN sidaasi daraadeed aan lagu soo dari Karin odayaasha sawiradooda la kabaynaayo, ceeb ma aha nidaam waa la diidi karaa balse waxaa la yaab leh in nidaaamka laga soo horjeedo in hogaankiisa qabiil lagu kala sooco.

Dhacdooyinka qabiil ee ka taagan Puntland waxey dad badani soo xasuusiyeen xilligii 1991-kii, waqtigaasi oo qabiil-qabiil la isku laynayay, xaqiiqdii haddii la qiimeeyo sida xaalka Puntland uu iminka u dhigan yahay waxaa kuu soo baxaya in wali bulshadaasi ay DAMBEYSO isla markaana ay ku qufulan tahay qabiilaysigii laga soo gudbay, khaylo dhaanta iyo habar wacashada qabiil ee ka soo baxaysa afka walaalaheena waxey la xiriirtaa CABSI ay ka qabaan dhalashada Dawlad- Goboleedka GAL-MUDUG, dareen ahaana waxey is tuseen in Dawlad Goboleedkaasi ugubka ah iney laa wadaagi doonto arimo badan oo haatan si sed-bursi ah ay u qaataan Maamulka uu fadhigiisu yahay Garoowe.

Kacdoonka qabiil ee ka jira Puntland ma aha mid la MAHADINAAYO, horseedka ololahaasina kuma gaarayo GUUL siyaasadeed, af-lagaadadda loo gaysanaayo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Parlamaankana ma filayo in JIL-JILEEC looga helayo Dawladda Dhexe iney Puntland godoon ku sii gasho mooyee, safarka AXMED MADOOBANA waxba ma soo kordhin karo dibna uma celin karo dhalashada GAL-MUDUG STATE oo ay Puntland shareysanayso.

Bani’aadanku waa gefi karaa, ruux kaamil ahna ma jiryo, sidaasi daraadeed haddii KAABA-QABIILKA PUNTLAND ee Madaxweynaha ka ah halkaasi ay marada ka dhacday waxaa la gudboon inuu cudur-daar ka bixiyo haweenka iyo caruurta uu afka qabiil ku kacshay ee Astaamihii Qaranka u gefay, hana ka tanasulo naceybka uu u qabo Maamulka dariskiisa ah, isla markaana ha joojiyo BUUNKA COLAADEED ee uu afuufayo iyo QARANIMO naceybka ka muuqda, sidoo kalana caqliga ha ka shaqeeyo hana xasuusnaado oraaahdii ahayd NEBADDAA NAAS LA NUUGO LEH iyo QABIIL QARAN NOQON WAA.

Qore: Shiikhaaloow Xasan