Arrintan ku garo sida Xasan Sheekh uu sharciga dalka ugu xad-gubay (Bal aqri go’aankan cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xisaabiyaha guud ee Qaranka iyadoo wareegto aan dokumenti ahayn oo qoraal ah lagu shaaciyay Radio Muqdisho shalay oo sidoo kale aan wax taariikh ah ka muuqan. Qoraalkaas ayay saxaafadu baahisay iyadoo aan dib loo eegin.

Mas’uulka la magacaabay wuxuu xilkan hayay muddo ku dhow sanad, isagoo ku shaqeynayay inuu yahay “XISAABIYAHA GUUD EE QARANKA”, Waxaana la yaab leh inuusan xilligaasi jagadaas u magacawneyn ee uu kusime uun ahaa, kadib markii mas’uulkii loo magacaabay Dr. Cismaan Cilmi Guuleed (Biikolo)  uu soo xaadiri waayay.

Qoraalada uu soo saari jiray Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) waxaa ku caddeyd inuu yahay xisaabiye guud, waxayna tani caddeyn u tahay sida xilalka dowladda loogu takri falo oo qof aan sharci u lahayn uu ku shaqeyn karo xil dowladeed.

Magacaabidda madaxweynaha ayaa soo baxday kadib markii taageerayaasha Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) u tageen madaxweynaha oo ay ku cadaadiyeen inuu xilkan u xalaaleeyo una magacaabo maadaama uu isagu hayo, taasoo madaxweynuhu iska aqbalay isagoo aan dib u eegin qaabka awood qeybsiga dalka.

HOOS KA AKHRI WAREEGTADA  MADAXWEYNAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Markuu Ogaaday: Baahida loo qabo dhameystirka dhisidda Hey’adaha Dowladda.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimada uu mudanaha xilkan loo magacaabay u leeyahay, Xisaabaadka Hey’adaha Dowladda oo uu muddo dheer ka soo shaqeynayay

Waxa uu soo saaray Madaxweynuhu xeerkan

Qodobka 1aad

Laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo Xeerkan, waxaa Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) loo magacaabay in uu noqdo Xisaabiyaha guud ee Qaran

Qodobka 2aad

Xisaabiyaha guud ee dowladda waxa uu mas’uul ka yahay si madaxbanaan Xisaabaadka hey’adaha dowladda iyo in uu la socdo qarashka Dowladda ay bixiso iyo ilaalinta wixii ah maal lacageed oo ah keydka Dowladda.

Qodobka 3aad

Wixii howlo, xuquuq iyo maamuus ah waxaa lagu dhaqayaa Xeerka Lr.11 ee 05/12/2006 ee shaqaalaha rayidka

Qodobka 4aad

Waxa uu xeerkan dhaqan gelayaa markii uu Madaxweynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabacayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.

Digreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Isha goobjooge