Welwelka dhabta ee P/Land ka haya GALMUDUG (Haddii arrintan ay dhacdo P/L waa u dhamaatay)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qurba joog Soomaali ah oo ku dhaqan dalalka ka tirsan Yurub & W/Ameerika, ayaa billaabay in ay u istaagaan gurmad lagaga qeybqaadanayo dib u dhiska adeegyada bulshada deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug ee dhowaan Cadaado lagaga dhawaaqay.

Dr. Faarax Ciise oo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota, oo ka mid ah Guddiga gurmadka ayaa sheegay in dadka Goboladaasi ka soo jeeda iyaga oo aan Maamul & Dowlad ku tashan in marka hore iyagu ay isku xilsaarayaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dib u dhiska kaabayaasha bulshada.

“Dekada Hobyo cid inoo dhiseysa ma jirto, waa innaga wada dhexeeysaa, dadku waxeey billaabeen qof baabuur dhagxaan keena, mid raashin keena howshii ayaa billaabatay, annagu haddaan nahay qurba joogta waxaa la innaga doonayaa inaan kaalinteena ka qaadano” Ayuu yiri Dr. Faarax, wuxuu intaa ku daray in dadka ka soo jeeda Galmudug in ay yihiin ummad caan ku ah is taakuleynta.

Faarax mar uu ka hadlayey weerarada afka ah ee Galmudug kaga imaanaya Puntland wuxuu sheegay in Puntland dhaqaalaha ugu badan ee ka soo gala Dekada Boosaaso inuu kaga imaanayey Gobolada dhexe, walaaca ay qabtayna ay arrintaasi la xiriirto.

“Laga soo billaabo Hiiraan ilaa Gaalkacyo ummadda ku dhaqan ganacsigoodu wuxuu ka caga qaadaa Dekada Boosaaso, Puntland waxaa u muuqatay haddii Dekada Hobyo ay furanto in dhaqaalo fara badan ay waayi doonto; taas ayaanna sabab u ah qeyla dhaantooda” Ayuu yiri Faarax, wuxuu intaa sii raaciyey in ay nasiib darro tahay Qaran jabka Soomaaliya ku dhacay, sida keliya ee xalka Soomaaliya lagu gaari karana, wuxuu sheegay in ay isaga la tahay in dalalka derisk ah ay Soomaaliya faragelinta ka daayaan.

“Shaqsi ay ku jirto damqasho waddaniyadeed marnaba kama soo yeeri kareyso dad aayahoodii ka tashaday ayaan ka soo horjeesaneynaa, sida annaga aan mustaqbal wanaagsan ula dooneyno caruurta, hooyooyinka iyo ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Puntland si la mid ah ayaan ka fileynay madaxda maamul goboleedka Puntland laakiin sida ka muuqata waa annaga aan noolaano, idinkana dhinta, taana ma ahan dhaqan wanaagsan” Ayuu yiri Faarax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com