Daawo VIDEO: Afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya oo sir qorsooneyd shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ridwaan Xaaji C/weli oo ahaa Afhayeenkii hore ee xukuumada Somalia dhawaana xilka iska Casilay ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Howlaha ka socday Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Shaarmaarke.

Ridwaan oo wareysi gaar ah siinaayay Tv-ga Universal oo uu hore ugu shaqeyn jirey ka hor intuusan noqon Afhayeenka Xukuumada Somalia, ayaa kawar bixiyay siro badan oo dhanka Dowlada gaar ahaan hay’adaha Dowlada dhibaatooyin maamul xumida ka dhex jirta Xafiisyada DF Somalia.

Waxa uu sheegay in Xarumaha DF Somalia ay ka jiraan Maamul xumo, taasi oo uu ku micneeyay mid sharciga looga hiilinaayo shaqsiyaad gaar ah oo xiliyada qaar ay dhacdo in loo magacaabo xilal is dulsaar ah islamarkaana ay isku shaqo yihiin.

Waxa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay nidaamka ay ku shaqeyneyso DF Somalia, waxa uuna meesha kasaaray in Dowladu ay dhaqan galineyso sharciga.

Ridwaan Xaaji Cabdi-Weli waxa uu sidoo kale sheegay in Mushaaraadka Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka ay bixiso Dowlada Turkiga, taasina ay ka turjumeyso in DF Somalia aysan bixin dhaqaalaha ugu badan ee shaqaalaha ku baxa.

Waxa uu cadeeyay Jahwareerka ka jira dhanka DF Somalia, inkastoo uu ka gaabsaday inuu kusii fogaado arrimo badan oo ka dhextaagan Xafiisyada DF Somalia.

Nasiib darro ayuu sheegay inay tahay waxyaabaha socdo iyo howlaha laga sugaayo inay horay u dhaqaajis.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com