La-yaab: DFS oo xuleysa wasiirada GAL-MUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlaayay howlaha horyaalla Maamulkiisa, ayaa sheegay in ahmiyada koowaad uusiin doono dhismaha Xukuumad caadil ah oo ay raali ku yihiin Beelaha degan G/Dhexe ee Somalia.

Waxa uu sheegay in DF Somalia ay dhismaha Golaha Wasiirada Maamulkiisa ay ka qaadan doonto kaalinteeda, waxa uuna lagamamaarman ka dhigay in latashiyadiisa ay qeyb ka noqon doonto DF Somalia.

Waxa uu tilmaamay in uu ka gaashamanaayo muran iyo Khilaaf kaga imaada dhanka Dhismaha Maamulkiisa, wuxuuna cadeeyay in taasi uu kaga badbaadi karo inuu badiyo la tashiyada dhanka Madaxda Qaranka iyo Beelaha Dega Deegaanada iyo Gobolada uu Maamulka ka kooban yahay.

Khilaafyada taagan ayuu carabaabay inuu ku xalin doono wada-hadal oo leysugu imaan doono miiska wada-xaajoodka.

Mar wax laga weydiiyay Maleeshiyaadka ka jira Mudug iyo Galgaduud ayuu sheegay in dhammaan Ciidamadaasi la mideynayo lagaana dhigi doono Ciidamo Qaran oo hoos yimaada Maamulka Galmudug iyo DF Somalia.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee loo sameynayo Ciidamadaasi ay tahay in Maamulka uu yeesho Ciidamo leh awood ay ku maareeyaan Ammaanka, isaga oo sheegay in ay isku dayi doonaan in ay meel saaraan xuquuqda Ciidamada.

Dhanka kale, waxa uu shaki ka muujiyay waqtiga ay qaadan doonto isu keenida Beelaha iyo garabyada kasoo horjeeda dhismaha Maamulka, balse waxa uu rajo ka muujiyay xalinteeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com