Faroole oo ku biiray wada-hadallo qabiileedka ka socda Garoowe iyo DF SOMALIA oo loo tashtay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in shirka Madaxtooyada Maamulka Puntland uga socdo Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas uu ku biiray Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

C/weli Gaas oo ay ku xun tahay Siyaasada Maamulka ayaa waxa uu iminka u gacan haatiyay C/raxmaan Faroole oo isagu ku caanbaxay ka hor imaanshaha Qaranka iyo danaha gaarka ah ee Somalia.

Faroole ayaa iminka kasoo ambabaxay dalka Australia oo fadhi u ahaa tan iyo markii looga guuleystay xilka Madaxweyne ee Maamulka Puntland, waxaana la filayaa in galabta uu kasoo dhex muuqan doono kulanka Garoowe uga socdo Gaas iyo Axmed Madoobe kaasi oo looga soo horjeedo DF Somalia.

Madaxweynihii hore ayaa ku biiraya wada-hadalada Saddex geesoodka ah ee Puntland, Jubba iyo Ra’iisul Wasaare Cumar ee looga tashanayo suurtagalnimada in xiriirka loo jaro Somalia.

Ujeedka C/raxmaan Faroole loogu yeeray ayaa ah in Ra’isul wasaaraha dalka uu ka hor cadeeyo heshiisyadii horay ay DF Somalia ula gashay Maamulka Puntland xiligaani iyo xiligii Faroole uu ahaa Madaxweynaha Maamulka.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in C/raxmaan Faroole uu kaalinta koowaad kaga jiro Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Deegaanada Puntland ee gadaal ka riixaya in Puntland ay ka tashato Dowladda Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com