DF iyo Maamul Goboleedyda oo isku soo dhawaaday iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa isaga soo dhawaaday inta badan qodobadii la isku hayey shirka uga socdo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida ay illo wareedyo ku dhow dhow shirka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa la isku fahmay inta badan qodobadii dooda culus ka taagneyd, waxaana isbadal lagu sameeyey illaa 4 qodob xilli hal qodob si toos ah looga saaray qodobadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Arrinta deegaan Doorashada oo ahaa qodob adag ayaa meel dhexe la isugu yimid, iyadoo lagu saleeyay inay doorashadu ka dhacdo Caasimadaha maamula Goboleedyada iyo laba magaalo oo kale, halka tirada ergada la isku fahmay inay noqdaan 101 xubnood.

Sidoo kale qodobkii uu madaxweyne Farmaajo si weyn ugu dhaqaganaa ee ahaa in doorashada ay maamusho Xaliima Yarey ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray iyadoo la isla gartay in la sameeyo guddi ay ku mideysan yihiin Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyada.

Halkaan hoose ka akhriso qaar kamid ah qodobada ay isku raaceen dowladda iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

  • Waxaa lagu heshiiyey in ergada wax soo dooraneysa laga dhigo 101 ergo.
  • Waxaa la isku fahmay in meesha laga saaro guddiga madaxa banaan ee doorashada oo ay hoggaamineyso Xaliimo Yarey, iyadoo la filayo in la dhiso guddiga ay ku mideysan yihiin Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.
  • In Deegaan doorashada ay noqoto laba deegaan doorasho maamul Goboleed kasta.
  • In aysan hadda suurtagal aheyn in doorashada lagu galo nidaamka xisbiyada.
  • Iyo in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda.

Waxaa saacadaha soo socdo la filayaa in shirka laga soo saaro war murtiyeed, waxaana weli dhiman qodobo yar yar oo aan la isla meel dhigin, balse waxaa la isku fahmay qodobadii ugu adkaa.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.