DF iyo maamullada oo ku heshiiyey 7 qodob kadib shir xasaasi ah

Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir looga tashanayay qaabkii uu u dhici lahaa tartanka Kubadda Cagta Gobolada dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya, Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka  iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Shir socday laba cisho oo looga hadlaayay sidii loo bilaabi lahaa tartanka u dhaxeeya Maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir ee dhanka Kubadda Cagta, ayaa ugu dambeyn lagu go’aamiyay inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo.Tartankan, ayaa wuxuu furmi doonaa 7-da Bisha December ee soo socota, wuxuun ka furmi doonaa Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta Waamo.

Qoraal ka soo baxay Shirkii u dhaxeeyay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya iyo Wasiirada Ciyaaraha ee Maamul Goboledyada ayaa lagu gaaray go’aankaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com