QM oo shaaca ka qaaday arrin sharci darro ah oo ay Imaaraadka Carabta ka wadaan Somalia

Muqdisho (CaasimaddA Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku eedeysay Dowladda Imaaraadka Carabta in ay jebiso cunaqabateynta Hubka ah ee saran Somaaliya.

Qaramada Midoobey waxaa ay Dowladda Imaaraadka ku eedeysay in ay Hub sharci darro ah ka iibiso Maamullada Soomaaliya,sidoo kalena mararka qaar kaalmo ahaan u bixiso.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya.

Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in ay caddeyn buuxda u hayaan in Markan uu hub saaranyahay oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka iyo sidoo kalen alaabo mamnuuc ka ah Soomaaliya lagu afduubay Biyaha Soomaaliya,lana qabtay ka hor inta uusan gaarin Soomaaliya.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Midowga Yurub ayaa duubay Markabkaas oo tagay Xeebaha Soomaaliya,kaas oo labo doomood ay ugu yimaadeen halka uu ku soo xirtay islamarkaana laga dejiyay Hubkii uu waday.

Guddigu waxaa ay sheegeen in dhismaha saldhigga Milatariga ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera uu xadgudub ku yahay cunaqabateynta saran Soomaaliya,markii ay wax ka weydiiyeenna aysan ka jawaabin weydiimahooda.

Isha:middleeastmonitor.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com