28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ciidamada Soomaaliya iyo Mareykanka oo weerar culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn culus oo Talaadadii ka dhacday waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, taas oo ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Mareykanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo ka dhacay meel qiyaastii 40 km u jirta Kismaayo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, balse lama shaacin khasaaraha rasmiga ah e la gaarsiiyay kooxda.

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay meel qiyaastii 40 meel  waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, si loo beegsado maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka weerarka ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay mid lagu wiiqayo awoodda kooxaha Khawaarijta oo loo arko inay khatarta ku yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo  fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa u mahadcelisay taliska AFRICOM, waxayna sheegtay inuu sii socon doono iskaashiga labada dhinac, ayna ka go’an tahay xoojinta dagaalka Al-Shabaab

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana iska kaashana ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, iyada oo sidoo kale dhanka hawada ay ka taageerayaan saaxibada caalamiga ah.

Dagaallada xoogooda ayaa haatan waxa ay ka socdaan deegaanno ka kala tirsan maamullada HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News