DF iyo Norway oo saxiixday heshiis $30 milyan ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway, Anne Beathe oo booqasho ku timid dalka.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway ayaa sidoo kale kulanka kadib waxay kala saxiixdeen heshiis cusub oo dowladda Norway ay Soomaaliya ku siineysao dhaqaale maaliyadeed.

Dowladda Norway ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $30 Milyan oo doollar, oo loogu tala-galay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway, Anne Beathe ayaa sheegtay in dowladeeda ay ka go’an tahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Norway ayaa kamid ah waddamada reer Yurub ee haatan xiriirka wanaagsan laleh dowladda Soomaaliya, waxayna safaarad rasmi ah ku leedahaya gudaha caasimada Muqdisho.