27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

“DF Soomaaliya waxay maalmaha soo socda howl adag ka qaban doontaa..”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Maxamed Axmed Baafo oo ah sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda Beeraha Xukuumada Somalia ayaa sheegay in wasaaradu ay sanadka cusub qaadi doonto talaabo lagu hormarinaayo Wabiga Shabelle iyo beeraha ku yaalla Gobolada dalka.

Baafo waxa uu sheegay in Somalia ay leedahay Kheyraad farabadan islamarkaana Xukuumada Somalia looga baahan yahay inay talaabo ay kula soo baxeyso Kheyraadkaasi qaado.

Waxa uu wasiirka tilmaamay in abuur badan ay u qeybiyeen beeraleyda ku dhaqan gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana sidoo kale ay dhul beereed badan ka caawiyeen dadkii sidii ay ku falan lahaayeen.

Isaga oo taasi ka warbixinaayay ayaa waxa uu yiri “Inta aan kaalmeenay markaad u fiiriso iyo baahida jirta, baahidaa badan, hantida dadka aan wax u qabanay waxaan kasoo uruurinay bulshada dhexdeeda, waa inoo bilaw wasaaradana wey soo kabsatay abaabul ahaan iyo jiritaankeeda oo meel walba laga dareemay, waxaana rajeynaa in maanta wixii ka dambeeyay shaqaalaha wasaaradda awood u helayaan in ay soo uruuriyaan hanti badan, ama ku jiheeyaan hantida gacanta ugu jirta hay’adaha caalamiga ah sidii loo abaari lahaa baahida meesha ay ka jirto”

Wasiir Baafo waxa uu Bulshada Gobolada Kheyraadka ku beerto ugu baaqay inay soo gudbiyaan Hanaanka ay howlahooda ku qabsadaan si uu yiri looga taageero dhan waliba.

Dhanka kale mar wax laga weydiiyay iska bedalay beeraha dalka mudadii wasaaradaan uu isaga xilkeeda haayay, isaga oo sheegay in wax badan ay isbedaleen, dad badanna la gaarsiiyay in beerahooda ay ku noolaadaan.

“Waxa iska bedalay waxaa weeye hadaad jowhar aad tagto oo kale, maalintaan tageynay ilaa maanta ma ahan Jowhartii hore, fure waxaan u ahayn fursado badan oo xitaa ay ku yimaadeen hay’ado kale, dhaqaale ahaan waxaa is bedalay nolosha ilaa 500 oo qoys oo tacabkii usoo go’ay reerahooda ku noolaadeen, xilligii deyrta ahaana u gudbay iyaga oo intaasi kasii fiican, waana bilaw wanaagsan”

Baafo ayaa sheegay qoysaskaan uu soo sheegay ee ay ka saacideen beerashada waxa ay u qabteen ama ay siiyeen ka wasaarad ahaan, isaga oo tilmaamay in ay siiyeen abuur Galey ah, markii bilawgaasi uu yimidna dadkale iyo hay’ade ay ku daysadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News