DF oo digniin kasoo saartay xiisada ka taagan xiriirka kubadda cagta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saartay xiisada ka taagan xiriirka kubadda cagta, taasi oo la xiriirta doorashada guddoonka.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa loogu digay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed “inay iska indho tiraan baaqyadii ka soo kala baxay wasaaradda iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.”

“Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha XFS waxay xoojinaysaa baaqii ay soo saartay 11/12/2022 iyo midkii ka soo baxay xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA ee ku saabsanaa inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda in shir fogaan arag ah oo ay yeesheen wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ay isla qireen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac qabsado iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

“Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha oo u xilsaaran ilaalinta mabaad’ida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayaa ku dadaali in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.”

Qoraalka Wasaaradda ayaa imanaya ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha.

Kilaafka ayaa la sheegaya in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada, ayada oo baaqyo is-xigxiga ay soo kala saareen wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.