Wareysi: FARGEETI oo xog cusub ka bixiyey weerarkii shalay agu qaaday gurigiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Fargeeti oo ah musharaxa shalay la weeraray gurigiisa magaalada Baydhaba ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay wax u jiraan, isagoo sheegay in Baydhaba uusan joogin oo Xamar uu ku sugan yahay.

Fargeeti oo la hadlay VOA ayaa sheegay in guriga la weeraray uu ahaa mid loo diyaariyey inuu isagu dego, markii lagu heshiiyo goorta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidankii taabacsanaa isaga ee gurigaas lagu weeraray ay markii dambe isaga carareen goobta, isla markaana ay guriga gudaha u galeen ciidanka K/Galbeed, isagoo ku eedeeyey inay alaabtii guriga taalay bililaqeysteen.

Maxamed Aadan Fargeeti oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in dad dhaawac ah oo ciidankaas ay ugu tageen guriga la jir dilay oo horay ay u sii qaateen ciidanka K/Galbeed ee gurigiisa weeraray waaberigii gore ee saakay.

“Guriga la weeraray waxaan u diyaarsaday ololaha doorashada, waxaana soo weeraray ciidanka ka socda K/Galbeed oo ay wehliyaan ciidan iyo saraakiil kale oo ka socda militeriga, booliska federaalka iyo NISA, hub aad u culus ayaa lagu soo weeraray gurigeyga,” ayuu yiri Fargeeti.

Wuxuu sheegay in guriga aysan waxaba u oolin oo dad shacab ah ay deganaayeen, balse uu ahaa oo kaliya guri loo qorsheeyey inuu ka bilowdo ololihiisa doorashada, markii la kala cadeeyo goorta ay dhaceyso.

“Maalmahaan maamulka Laftagareen waa hadal hayey in gurigaas ay weerari doonaan, baraha bulshada waxaad ku aragteen Taliyaha booliska gobolka Bay oo dhahaya sidii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan u weerareynaa oo waxa jooga gurigaas kabaha ayaan ku aaseynaa, marka fikirkaas ayey ka dhabeeyeen,” ayuu yiri Fargeeti.

Maxamed Fargeeti ayaa sheegay in gurigaan uusan laheyn, balse uu sii ijaartay, maadaama la gaaray waqtigii doorashada “K/Galbeed afar sano wax caqli ah kama shaqeyn, Laftagareen wuxuu dhibsaday in la dhaho musharax ayaan ahay, in taas lagu dhiirado ayaa la noqotay wax uusan qaada Karin,” ayuu yiri Maxamed Aadan Fargeeti.

Hoos ka dhageyso wareysiga