DF o maanta si rasmi ah ula wareegtay xeradii iyo ciidankii ay tababareen Imaaraadka + Magaca loo bixiyay

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inay la wareegtan tababarka iyo taageerida ciidamadii ay tababari jireen dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo ku sugnaa xerada Gen Goordon.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga Dalka Cabdullahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Ciidanka ay la wareegeen Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 2000 oo askari, waxaana maanta si rasmi ah ula wareegay dowladda Soomaaliya.

Abaanduulaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ciidankan lagu wareejiyay  looguna magacdaray Daljir , waxa uuna cadeeyay in ciidankan ka amar qaadan doonaan saraakiishooda ayna kamid yihiin ciidanka kale ee Milatariga.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaaciyay in uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay in Imaaraadka Tababaraan ciidanka Milatariga, waxaana arimahan kusoo aadayaan xili uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaraaadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa shaacisay in ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siin jirtay Ciidanka Milatariga gaar ahaan kuwa ay tababareen waxaana ciidankan hada si toos ah uga amar qaadan doonaan taliska Milatariga oo markii hore saameyn badan ku laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com