Sawiro: Madaxweynaha oo warqadaha safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee Somalia

Muqdisho-(casimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Qatar ee dalka Soomaaliya.

Munaasibadda warqadaha Aqoonsiga danjiraha cusub ee Qadar ayaa ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Dowladda Qadar ayaa danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya waxaana safiirka cusub maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Safiirka dalka Qadar ee Soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Xasan Xamsa Asad,waxaana laga filayaa in howlaha diblomaasiyadeed ee dalka Qadar uu ka sii wado Muqdisho.

Xasan Xamsa ayaa ah Safiir awoodiisa dhameystiran tahay oo uu dhowaan soo magacaabay Amiirka Qatar, waxaa uu horay u ahaa Sii Haye Safiir.

Dowladda Qatar ayaa xilligan saameyn ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ku tago dalka Qatar.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalal khilaafkaas dhex dhexaad ka noqday waxaana hadda jira khilaaf u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay Qadar isku dhacsanyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com