DF oo ugu Baaqday shirkadda DP World inay dib uga fekeraan heshiisyadda dekeddaha

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad oo Wareysi Khaas ah siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in loo baahan yahay Shirkadda DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadka inay dib uga fekeraan Qandaraaska ay  la galeen Maamulka Somaliland.

“Waxaan ka codsanaynaa DP World inay dib uga fekeraan Heshiisyadaasi” ayuu yiri Wasiir Axmed Ciise Cawad, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Heshiiska DP World ku horumarinayso Dekedda Berbera xadgudub ku tahay Sharci ahaanta Dowladda Somaalia.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay heshiiska DP World ee dekeda Berbera uu yahay mid hareer marsan sharciyada saxda ah waxana uu sheegay in uu abuuray heshiiskaas is-faham waa iyo khilaaf weli aan xal laga gaarin.

Hase yeeshee afhayeen u hadlay shirkadda DP World ayaa sheegay in dhismaha dekedaha Berbera iyo Boosaaso in howlahooda ay deg-deg u bilaaban doonaan.

“Dowlada Federalka waxa ay dooneysaa in Shirkada DP World ay la macaamisho xukuumada Muqdisho halkii ay heshiis kala geli lahayd maamulka Somaliland.”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.

“Haddii intaa lagu dhaqaaqo Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa maalgelin lagu sameeyo meel walba oo ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay Berbera ku jirto.”ayuu sii raaciyay wasiirka.

dhawaan ayay ahayd markii uu sheegay Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Qarqash in ay heshiis ay dowladiisu hore u la gashay dowladii uu madaxda ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh hase yeeshee wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa beeniyay sheegashada dowlada Imaaraadka Carabta ee ah in heshiiska Berbera ay hore ula gashay xukuumadii hore ee Soomaaliya waxana uu xusay in sheegashadaasi aysan lahayn wax cadeyn ah.

Warkan ka soo yeeray dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo laga leeyahay shirkadda DP World oo heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland iyadoo heshiiskaasna uu qeyb ka siinayo faa’idada laga helo dekeda dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com