DF oo 48 saac gudahood ku soo saaraysa go’aan xasaasi ah oo la xiriira GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in 48-da saac ee soo aadan ay go’aan ka gaarto caqabado badan oo ku hor-gudban doorashooyin ka dhaca degaanada Galmudug, kuwaas oo la sheegay in ay sabab u yihiin Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada labada Gole ee baarlamanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Dhuusamareeb ayaa Caasiamda Online u sheegay in dowladda Soomaaliya 48-ka saac ee soo aadan ay ku dhawaaqi doonto Guddiga doorashooyinka ee Galmudug.

Guddigaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo saarto Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay dowladda Soomaaliya go’aan ka gaartay muran muddo taagnaa oo ku saabsanaa dhismaha Guddiga doorashada.

“In aan ilaa hadda lagu dhaawaqin Guddiga, waxaa sabab u ah muran muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeya Ahlu-Sunna, Xildhibaana baarlamanka Soomaaliya ee Galmudug ka soo jeeda iyo dowladda Soomaaliya oo dhamantood doonaya in ay iska dhax arkaan guddigaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Waxaa la filayaa in uu caqabado badan wajaho Guddigaan hadii ay ku dhawaaqdo dowladda federaalka Soomaaliya maadaama ay jiraan aragtiyo badan oo iska soo horjeeda islamarkaana ku saabsan magacaabista Guddigaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com