DF oo amar adag kusoo rogtay dhammaan shaqaalaheeda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dhammaan hey’adaha kala duwan ee dowladda ugu wargelineyso inay talaalaan shaqaalahooda, maadaama ay sii kordheyso khatarta cudurka Covid19.

“Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka duuleysa saameynta cudurka Covid19 oo hirkiisii seddaxaad uu ku sii faafayo gudaha Soomaaliya iyo talooyinka wasaaradda ee la xariira in laga feejignaado halista cudurka waxay shaqaalaha u soo jeedineysaa inay qaataan talaalka, si ay u badbaadiyaan noloshooda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale warqada wasaaradda waxaa lagu cadeeyey in shaqaalaha aan la fasixi karin xilligaan oo ay khasab tahay inay xaadiraan xafiisyada oo shacabka ay u shaqeeyaan.

“Waxaa lala socodsiinayaa dhammaan hey’adaha dowladda in guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda uu wasaaradda caafimaadka kala shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay u qaadan lahaayeen talaalka Covid19,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka